Du är här:

Bulshada qaranka ka mid ah oo laga tiro badan yahay

Iswiidhan waxaa laga aqoonsan yahay shan koox oo bulshada qaranka ka mid ah oo loo aqoonsan yahay bulshada qaranka oo laga tiro badan yahay. Waa kuwa la dhaho samer, romer, tornedalingar, judar iyo sverigefinnar. Iswiidhan waxey kale hirgalisay sharci kooxan laga tiro badan yahay oo xuquuqdooda u dhowrto iyo fursadaha u badiso markey noqoto luqadahooda oo kala ahsamiska, meänkieli, fiinlandeeska, jiddisch iyo romani. Adiga oo ka mid ah kooxyada laga tiro badan yahay waxaa xaq u leedahay inaad baran kartid, horumar ka gaarikartid iyo isticmaali kartid luqadaada.

Xuquuq qaas baa lee dahay adiga oo ku hadlo fiinlandeeska, meänkieli ama samiska. Adiga waa la xiriiri kartaa xafisyada dowlada iyo daryeelka dadka gaboobay oo kula hadlikartaa fiinlandeeska, meänkieli eller samiska, haddii uu jiro shaqaalo luqadaas yaqaan. Haddi degmada aad ku nooshahay ey kamid tahay maamulka oo fiinlandeeska, meänkieli ama samiska adiga xiriir wad kula yeelan kartaa luqadaada iyo ku hadlid iyo qoraalka isla luqadaas wad ku heli. Adiga waxaa xitaa codsankartaa inaad daryeelka carruurta iyo dadka gaboobay ku heshid, qeyb ama dhammaan, luqadaha fiinlandeeska, meänkieli ama samiska.

Degmada Örnsköldsvik weey codsatay iney kamid noqoto maamulka degmada oo fiinlandeeska 2016 iyo baaritaan bilaawday haddii ey codsanaayaan iney kamid noqdaan maamulka degmada oo samiska.

Sidan uppdaterades

2016-05-19

Sidansvarig: